Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Danab oo weerar lagu furtay Gaadiid dagaal iyo Hub ku qaaday xarun ay leedahay Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow ina soo gaaray ayaa sheegaya in ciidamada loo yaqaan Danab ay weerar qorsheysan ku qaaden Saldhig weyn oo maleeshiyaadka al-Shabaab ay ku lahaayen Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada oo aad u hubeysnaa ayaa la xaqiijiyay inay fuliyeen weerarkaasi xili ay maleeshiyadu aheyd kuwo ku mashquulsanaa dajinta weerar gaadmo ahaa.

Weerarka ayaa lagu qaaday Saldhiga ay maleeshiyada ku leeyihiin degaanka Jameeca Jilliyaale ee Galbeedka Gobolka, waxaana qeyb kamid ah Saldhiga la weeraray ka socday diyaarinta maleeshiyaad loo soo xiray tababar oo la qorsheynaayay inay qaadan weerarka gaadmada ah.

Ciidamada Danab ayaa inta uu socday weerarka maleeshiyada al-Shabaab kala kulmay iska cabin, inkastoo halkaa lagu dilay maleeshiyaad dhowr ah oo ay ku jiraan ilaa Seddex Horjooge.

Horjoogayaasha lagu dilay weerarka ayaa waxaa ku jiray Horjoogaha maleeshiyada ugu magacawnaa Saldhiga iyo Shan ilaalo oo la soctay oo isla weerarka lagu dilay.

Ciidamada ayaa sidoo kale al-Shabaab ka jiitay Gaadiid nooca dagaalka ah, waxa ayna horay usii qaaten Hub ay isticmaalayeen Horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka la dilay.

Sidoo kale, Ciidamada Danab ee sida gaarka ah u tababaran ee weerarkan fuliyay oo markii hore ka yimid degaanka Balidoogle ayaa dib ugu laabtay degaankaasi weerarka kadib.

Dhinaca kale, Maamulka iyo Saraakiisha ciidamada dowlada ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaan weli ka hadal weerarka iyo Khasaaraha kasoo gaaray al-Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Ciidamada Danab oo weerar lagu furtay Gaadiid dagaal iyo Hub ku qaaday xarun ay leedahay Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this