Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidammo isugu jira Somali iyo Ajnabi oo weerar qorsheysan ka fuiyay Shabeellaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Hawlgal-Ciidan-800x450.jpg?resize=823%2CJowhar (PP) ─ Ciidamo isugu jira Mareykan iyo Somalia ayaa xalay hawl-gal qorsheysan ka fuliyay tuulada Jameeco Jiliyaale oo qiyaastii 50-km u jirta magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidankan oo watay gaadiidka dagaalka, ayaa waxaa cirka ka taageerayay diyaarado kuwa qummaatiga u kaca ah, waxayna beegsanayeen madaraso ay Al-shabaab wax ku barayeen carruur yar-yar.

Goob-joogayaal ku sugan tuulada ayaa sheegaya in hawl-galkan lagu dilay shan qof oo uu ku jiro madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa madarsadan wax lagu barayay carruurta.

Sidoo kae, Ciidanka hawl-galka fuliyay ayaa horay u kexeystay caruurtii wax lagu barayay dugsigaas, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaankaas ku nool.

Dhanka kale, Xaaladda deegaanka Jameeco-jiliyaale ayaa maanta daganayd, waxaana la sheegayaa in ciidamadii hawl-galka fuliyay ay deegaankaas isaga baxeen, kaddib markii ay qorshahood fuliyeen.

Ugu dambeyn, weerarkan ayaa qayb ka ah hawl-gallo gaar ah oo ay xiliyadii u dambeeyay la beegsanayeen xoogagga Al-shabaab ee ku sugan qaybo ka mid ah gobollada Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Ciidammo isugu jira Somali iyo Ajnabi oo weerar qorsheysan ka fuiyay Shabeellaha Hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this