Sign in to follow this  
Deeq A.

Jaaliyadda dalka Switzerland oo $13,000 ugu deeqday Airport-ka Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Qurbe joog u dhashay Puntland oo ku nool dalka Switzerland ayaa lacag dhan  $13,000 ( Saddex iyo Toban) kun oo dollar ku wareejiyay guddiga dhismaha Airport-ka Garoowe, waxayna qeyb ka noqonaysaa lacagtani qaaraan muddo loo aruurinayay koronto galinta Garoonka Diyaaradaha Gen Mohamed Abshir (Hammaan) oo dhawaan uu xariga ka jarey Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya.

Deeqda ka timid Jaaliyadda Puntland ee dalka Switzerland oo noqonaysa middii ugu horeysay oo dadka dibada ku nool ay kaga qaybgalayaan dhismaha Airport-ka Garowe waxaa si weyn ugu mahadceliyay Xubnaha Guddiga Qaaraan uruurinta koronta galinta Garoonka cusub ee magaalada Garowe.

Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa hoos idinku soo gudbinaysa qaar ka mid ah sawirada guddiga oo lasoo gaarsiiyay qaaraanka uga yimid Jaaliyadda ku nool Switzerland.

IMG-20180118-WA0006.jpg?resize=1000%2C75IMG-20180118-WA0007.jpg?resize=1000%2C75IMG-20180118-WA0008.jpg?resize=844%2C475Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Jaaliyadda dalka Switzerland oo $13,000 ugu deeqday Airport-ka Garowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this