Sign in to follow this  
Deeq A.

(DHEGAYSO) Garaad Saleebaan,” Caada qaatayaasha uu Cali Khaliif kamid yahay waxay ku dhimandoonaan Tukaraq.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo kamid ah Isimada Puntland, ayaa isagoo maanta qorigiisa garabka kusita wuxuu warbaahinta kula hadlay jiida hore ee Tukaraq, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada difaaca Puntland oo u diyaarsan xoraynta gobolka Sool.

Garaadka Saleebaan ayaa digniin xoogan ujeediyay ciidanka Dhulbahante ee dhulkooda dagaalka lagu galinayo, wuxuuna sheegay markaan inayan Puntland joogsandoonin illaa iyo xaqiijiso xuduudkeeda.

“Anigaa dadka meeshaan ugu joogo ugu tabar waadna iijeedaan inuu qoriga dhabarka iisaaran yahay, waxaan kaloo idiin sheegayaa caado qaatayaasha uu kamid yahay Cali Khaliif inay ku dhimandoonaan Tukaraq,” ayuu yidhi.

“Dagaalku wuu bilaabanayaa, ciidanka Puntlandna ma istaagidoonaa illaa ay gaaraan xaduudka Burco, haddaad moodaysaan in Tukaraq loo socdo, arrintaas maskaxdiina ka saara.” Ayuu yidhi Garaad Saleebaaan.

Halkana hoose ka dhegayso codka Garaadka.

      Garaad Saleebaan

Puntlandi.com

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this