Sign in to follow this  
Deeq A.

(DHEGAYSO) Shacabka Tukaraq,” Waligeen SNM nama gumaysan, waana ka saaridoonnaa dhulkeena .

Recommended Posts

Deeq A.   

Shacabka degmada Tukaraq ee gobolka Sool, ayaa si adag uga jawaabay hadal kasoo yeeray Horgal Saleebaan Koore oo maamulka Hargeysa ugu magacaaban wasiirka biyaha, kaasoo maalintii shalay warbaahinta ka sheegay Tukaraq iyo Taleex in ay raacsan yihiin maamulka Hargeysa.

Shacabku waxay sheegeen horgalkaan inuu ahaa raggii colaada dhex dhigay beesha uu kasoo jeedo ee Nuur Axmed kadibna u bariis doontay maamulka Hargeysa oo uu haatan katirsan yahay.

Dadka reer Tukaraq ayaa raali galin kasiiyay Puntland iyo shacabkeeda gefka iyo aflagaadada kasoo yeeray Horgal Saleebaan koore waxayna xasuusiyeen in shacabku yihiin shacab aan waligood la gumaysaysan

“Dagaal run ah ayaanu galidoonaa, Tukaraqna uma soconee waxaan u soconaa meeshii aanu lahaan jirtaynay,” ayuu yidhi mid kamid ah dadka degaanka.

Halkaan hoose ka dhegayso .

      Cabdikariin Saalax

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this