Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii dhaqan gelinta heshiiskii Ahlu suna iyo Galmudug oo lagu soo gabagabeeyay ,Galmudug iyo Ahlusuna

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb-(Caasimadda Online)-Waxaa goordhow magaalada Dhuusamareeb lagu soo gabagabeeyay shirkii lagu dhameystirayay heshiiska u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlu suna.

Munaasabadan oo bilaabatay barkhanimadii maanta ayaa soo gaartay ilaa duhurkii, iyada oo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Madaxweynaha Galmudug oo marti loo ahaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyada oo uu shirkan ka maqan yahay Axmed Madoobe oo cudur daartay.

Sidoo kale Munaasabadan waxaa ka qeyb galay xubnaha Beesha Caalamka oo ay ugu horeeyaan Micheal Keating, Guddoomiyaha Midowga Afrika Ambassador Francisco Madeira, Wakiilka IGAD iyo xubno kale, kuwaasi oo maanta gaaray Dhuusa-mareeb.

Masuuliyiinta khudbadaha jeedisay oo koobnaa ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo horey u ahaa Madaxweynihii Ahlusuna, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Samatar iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

sidookale Micheal Keating oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in QM ay soo dhaweyneyso heshiiska, wuxuuna balan qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan Maamulka Galmudug.

Madaxa Xukuumada Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la iska cafiyo wixii horey u dhacay, la iskuna calool fiyoowaado, si horey loogu sii socdo.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Soomaaliya Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa dhankiisa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo lagu riyoonayay in ay dhacdo, wuxuuna ku tilmaamay guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Gobolada dhexe.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa ku baaqay in la iska ilaaliyo inuu yimaado khilaaf, isaga oo sidoo kale sheegay in Galmudug ay u diyaar garowday dagaal wadajir ah oo lagu qaado Shabaab.

sidookale Calanka Maamulka Galmudug ayaa laga taagay gudaha Madaxtooyada cusub ee Magaalada Dhuusa-mareeb, waxaana guud ahaan Madaxtooyada maamulkeeda lagu wareejiyay Madaxweyne (Xaaf).

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo soo xiray Munaasabadda ayaa u mahadceliyay dhinacyadii howshaan ka soo shaqeeyay, wuxuuna tilmaamay in howsha hada ay tahay bilow.

Hadii aan dib u laabano weli waxaa jirta tabasho ay qabaan waxgaradka reer Cadaado, oo aan laga gaarin xal muuqda, iyada oo ay xusid mudan tahay in maanta magaaladaasi uu ka dhacay Banaanbax, balse waxaa socda dadaalo lagu qancinayo Odayaasha.

Caasimada Online

Xafiiska muqdisho

Caasimada@live.com

The post Shirkii dhaqan gelinta heshiiskii Ahlu suna iyo Galmudug oo lagu soo gabagabeeyay ,Galmudug iyo Ahlusuna appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this