Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo”Midowga Galmudug iyo Ahlusuna waxa uu sahlayaa xureynta deegaannada ka maqan”

Recommended Posts

Deeq A.   

 Dhuusamareeb-(Caasimadda Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta booqday Xerada taliska qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ku taala magaalada Dhuuso Mareeb,isagoo halkaasi kula kulmay saraakiil iyo ciidamo.

Wuxuu warbixin ka dhageystay saraakiisha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xooga Dalka,kuwaasi oo ka warbixiyay baahiyaha ay ciidamadu qabaan iyo sida ay ugu diyaar san yihiin gulufka ka dhanka ah ALshabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ay wehliyaan madaxda Galmudug,mas’uuliyiin iyo saraakiil kale ayaa amaan iyo Bogaadin ujeediyay ciidamo halkaasi ku sugan iyo saraakiishooda,wuxuuna sheegay in ay kaalin mug leh ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Madaxweyne Farmajo oo hadal kooban kajeediyay Xerada 21,aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ku taalla duleedka Magaalada Dhuusa Mareeb.

Madaxweynaha ayaa sheegay in midowga Ahlusunna iyo Galmudug ay sahli karto in la qalabeeyo ciidamada si ay awood ugu yeeshaan xureynta deegaanada ka maqan Gacanta Maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in dowladda Soomaaliya ay Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Gobolka Galgaduud ee lagu daray kuwa Galmudug ay u sameyn doonaan qalabeyn iyo waliba tababarid.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo.

http://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/01/Madaxweyne-Farmaajo.mp3

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo”Midowga Galmudug iyo Ahlusuna waxa uu sahlayaa xureynta deegaannada ka maqan” appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this