Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga taakulaynta ciidanka difaaca Puntland oo shaaciyay inay dowladdu diyaar garow xoogan ugu jirto xoraynta gobolka Sool.

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga taakulaynta ciidanka difaaca Puntland ayaa shaaciyay inay dowladda Puntland diyaar garow xoogan ugu jirto xoraynta gobolka Sool, sidaasi waxaa Puntlandi u sheegay mid kamid ah 15 xubnood oo loo magacaabay taakulaynta ciidana difaaca.

Guddigaan ayaa sheegay inay dowladda Puntland diyaarisay dhammaan qorshihii looga jawaabi lahaa duullaanka maamulka Hargeysa uu kusoo qaaday dhulka Puntland, Waxaa kale oo ay guddigu shacabka Puntland qeybihiisa kala duwan inay diyaar u yihiin difaaca Puntland.

Aadan Gaadaalle oo xubin guddigaan ayaa sheegay dowladda Puntland inaysan colaad iyo dagaal horseed u ahaanayn, balse ay difaacandoonto dullaanka qaawan ee lagusoo qaaday dhulkeeda.

Gaadaalle wuxuu ugu baaqeen shacabka inay u diyaar garoobaan xoraynta dhulka duullaanka lagusoo qaaday.

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this