Sign in to follow this  
Deeq A.

Barlamaanka Puntland oo maanta taageeray qorshaha xukuumada Puntland ku difaacayso dhulkeeda.

Recommended Posts

Deeq A.   

Barlamaanka dowladda Puntland ayaa yeeshay Kullan wadatashi iyo xogwareysi oo looga tashanayay xaaladda colaadeed ee ka dhalatay duullaankii uu soo qaaday maamulka Somaliland todobaadkii lasoo dhaafay.

Dood dheer iyo falanqayn kadib, waxaa laysla qaatay qodobadaan hoos ku xusan:-

1: In la taageero  qorshaha xukuumada Puntland ku difaacayso dhulkeeda.

2: In barlamanka Puntland uu si dhow ula socdo xaaladda difaaca dalka, waxaana loo magacaabay guddi gaar ah.

3: Waxaa muwaadiniinta Puntland lagu wargaliyay in ka qeyb qaadashada difaaca Puntland uu yahay waajib dastuuri ah, sidaas darteed waxaa loogu baaqay qof kasta oo reer Puntland ah inuu ka qeyb qaato difaaca Puntland.

4: Waxaa ummadda Soomaaliyeed, beesha caalamka iyo cid kasta dananeysa amniga nabadda Soomaaliya ky wargelinaynaa in aaney Puntland diyaar u ahayn duullaan iyo colaad abuur, kana shaqeynayso nabadda iyo dariswanaaga ummada Soomaaliyeed, hase yeeshee ay waajib dastuuri ah ku tahay difaaca ilaalinta dhulkeeda iyo muwaadininteeda.

5: Dowladda Puntland waxay sheegtay wuxuu dhibaato iyo cawaaqib xumo ah oo ka dhasha Duullaankaas inay masuuliyaddeeda qaadayso maamulka Somaliland.

Warsaxaafadeedkii.

war-saxaafaded.jpg

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this