Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo guddi gaar ah u saaray Xoraynta gobolka Sool.

Recommended Posts

Deeq A.   

Baarlamanka dowladda Puntland oo Maanta kulanka ku yeeshay Xaruntooda magaalada Garoowe ayaa si buuxda u taageeeray go’aankii Xumuudda Puntland ay ka qaadatay  duullaankii Somaliland ku qabsatay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Sidoo kale Baarlamanka ayaa guddi gaar ah u saaray Xoraynta gobolka Sool,waxaana dhammaan shacab weynaha Puntland lagu wargeliyay in ay ka qayb qaataan dagaalka lagu soo celinayo degaannada ay Somaliland kaga sugantahay Xuduudaha Puntland.

Baarlamanka ayaa Umadda Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka ogaysiiyay in Somaliland ay mas’uul ka tahay wixii dhibaato iyo cawaaqib xumo ka dhalata,haddii dagaal ka dhaco gobolka Sool.

Halkaan hoose ka akhriso

war-saxaafaded.jpg?resize=382%2C600

PUNTLAND

 

The post Baarlamanka Puntland oo guddi gaar ah u saaray Xoraynta gobolka Sool. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this