Sign in to follow this  
Deeq A.

Kumaandooska Soomaaliya iyo Kuwa Maraykanka oo Al-shabaab ka saaray degaanka Baar Sanguuri

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka ayaa Al-shabaab ka saaray degaanka Baar Sanguuri oo qiyaastii Magaalada kismaayo u jirta 45 km ee gobolka jubbada hoose,sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka SONNA.

Hawlgalka Al-shabaab looga saaray degaanka Baar Sanguuri ayaa lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo afar kamid ah saraakiil yihiin,waxaana lagu soo qabtay gaadiid dagaal,sida ay qortay Wakaaladda SONNA.

Dhinaca kale taliyaha ciidanka xoogga qeybta 43aad General Ismaaciil Saxardiid oo la hadlay Idaacadda ciidamada qalabka sida ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha Maraykanka ay ka qeyb qaateen hawlgalkaan .

1-2.jpg?resize=450%2C6002-5.jpg?resize=600%2C3313-2.jpg?resize=450%2C600

Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net

The post Kumaandooska Soomaaliya iyo Kuwa Maraykanka oo Al-shabaab ka saaray degaanka Baar Sanguuri appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this