Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo ‘’Ahlusuna cashar ayey u dhigtay Shabaabka waana lasii wadi doonaa dhaqaajintooda”

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa weli ku guda jira socdaalkiisa nabadeed ee deegaanada maamulka Galmudug, gaar ahaan magaalada dhuusamareeb.

Madaxweynaha ayaa horay socdaal nabadeed oo dhulka ah ugu soo maray laga billaabo Garowe ilaa Boosaaso waxa uuna dhageysanaayay soo jeedinta qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxa uu Madaxweynuhu socdaal kaa lamid ah kusoo maray magaalad Gaalkacyo ilaa Cadaado oo uu dhulka ku safray, wuxuuna u sii tallaabay magaalada Dhuusamareeb oo hadda uu kula shiraayo Madaxda maamulka Galmudug, Odayaasha, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo wada tashi ah magaalada Dhuusamareeb kula qaadanaya Maamulada, waxaana wehliya Culumada iyo dhallinyarada Gobalka Galguduud.

Madaxweynaha oo xalay kulan gaar ah la qaatay culimada Ahlusuna ee Dhuusamareeb ayaa bogaadiyey kaalintooda ku aadan wacyigelinta bulshada deegaankan isaga oo ku amaanay sida ay naf iyo maalba ugu hureen in laga cirib tiro deegaanadan kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa yiri “Markii laga hadlayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, waxaad tusaale wanaagsan u tihiin gobollada kale ee dalka, waayo idinkoo kaashanaya dhammaan qeybaha bulshada deegaankan waxaad ku guuleysateen in aad cadoowgaas la dagaalantaan oo aad ka dabar gooysaan deegannadan.”

Madaxweynuhu waxa uu culimada deegaanka ku sheegay inay yihiin kuwo mudan in la abaalmariyo dadaalka maadaama ay si wada jira ula dagaalamaan Shabaabka Dhuusamareeb iyo guud ahaanba kuwa haminaaya amni darada Gobolka.

Wuxuu sheegay in culimada Ahlusuna ay ka firfircoon yihiin kuwa kale marka loo eego dhanka dagaalka, waxa uuna taa sabab uga dhigay inay leeyihiin ad adeeg uu alle u dhaliyay.

Sidoo kale, waxa uu Maamulka Galmudug, Dhalinyarada iyo Waxgaradka ugu baaqay inay isgarabtaagan culimada Ahlusun, maadaama xiligaan uu dalka yahay mid ku jira dagaal ka dhan ah Shabaab.

Dhinaca kale, waxa uu madaxweynuhu ku booriyay Ahlusuna inay siiwadaan dagaalka iyagoo heysta dhalinyaradooda hiilka u ah.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com

The post Farmaajo ‘’Ahlusuna cashar ayey u dhigtay Shabaabka waana lasii wadi doonaa dhaqaajintooda” appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this