Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaro intee la’eg ayaa ka dhashay Qaraxyada lala eegtay ciidamada Mareykanka & kuwa Kenya ee duleedka…

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Xogo dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qaraxyo dhowr ah oo duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose lagula eegtay Gaadiid dagaal oo ay wateen ciidamada AMISOM qeybta Kenya iyo kuwa ay wateen Saraakiil Mareykan ah.

Qaraxyadan oo la sheegay inay gaarayaan ilaa Seddex Qarax ayaa lagu aasay waddooyin ay marayeen Gaadiidka dagaal oo ay kala wateen ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM iyo kuwa Mareykanka oo halkaa kawaday howlgal ka dhan ahaa al-Shabaab.

Ciidamada is garabsanaayay ayaa waxaa wehlinaayay kuwa maamulka Jubbaland ayaa gabi ahaantooda ka anbabaxay magaalada Kismaayo waxa ayna xiligaa kusii jeeden degaanka Buula-guduud, waxaana ay sahay Millitari u sideen Ciidamo kale.

Ciidamadan Qaraxyada loogu aasay waddooyinka ayaa la kulmay iska hor imaad Qaraxyada kadib, waxaana halkaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Khasaaraha ugu badan ayaa la xaqiijiyay inuu soo gaaray ciidamada maamulka Jubbaland oo iyagu la socday gaadiid dagaal oo dulbanaan ah, halka kuwa shisheeye ay la socdeen gaadiid dagaal oo aanu xabadu Karin isla markaana qafilan.

Mid kamid ah Saraakiisha ciidamada maamulka ayaa sheegay in khasaaraha uu gaaray ilaa lix Askari oo dhaawac ah, halka dhimashaduna lagu sheegay afar Askari, waxaana dhanka ciidamada Kenya ka dhaawacmay askar aan la sheegin tiradooda marka laga soo tago kuwa Soomaalida.

Sidoo kale, Ciidamada Qaraxa lala eegtay ayaa Qaraxyada iyo iska hor imaadka kadib dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, maadaama ay la kulmeen weerar jidgal ah oo aysan fileyn.

Geesta kale, Maamulka Jubbaland iyo Al-shabaab ayaan weli ka hadal weerarka iyo Khasaaraha ka dhashay, inkastoo qoraal ay baahiyeen websedyada Shabaab lagu sheegay in khasaaro xoogan uu jiro.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com

The post Khasaaro intee la’eg ayaa ka dhashay Qaraxyada lala eegtay ciidamada Mareykanka & kuwa Kenya ee duleedka… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this