Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaan ka baranay socdaalka Madaxweynaha ee Gobolada Dalka (Akhriso 7 arrimood)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa weli ku guda jira safar uu ku marayo qeybo ka mid ah dalka, wuxuuna la kulmayaa soo dhoweyn ballaaran.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku guda jiro Safarada dhulka iska fogeeyay ciidamada AMISOM ee qeybo kamid ah la geeyay magaalooyinka uu ku maraayo booqashooyinka.

Madaxweynaha ayaa waxaa la socda Madax kale oo aad u badan kuwaa oo inta badan aanu la socon ilaalo gaara, marka laga tago kuwa loo sii diyaariyay ee madaxda la socta inta ay marayaan waddooyinka isku xira Gobolada.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa laga barankaraa casharo badan oo muujinaaya in Somalia ay kasoo boganeyso dhibta, waxaana xusid mudan in Madaxweynuhu yahay kii ugu horeeyay oo wakhti ceynkaani ah ku bixiya nabadeynta Somalia iyo in Bulsho waliba lagu booqdo deegaankooda.

Haddaba socdaalka nabadeed ee Madaxweyne Farmaajo waxaan ka baranay:

1-In Somalia ay ka maarmi karto ciidamo shisheeye maadaama Socdaalka nabadeed ee Madaxweynuhu ahaa mid amniga looga danbeeyay ciidamada Soomaalida.

2-In Soomaalidu tahay kuwo aan kala maarmin balse u baahan Madax u kacda isku xirkooda oo booqasho ceynkaan ah dhowrkii bilba sameeya.

3-In Bulshada ku nool Gobolada dalka ay yihiin kuwo ku wanaagsan marti soorka, soo dhaweynta iyo dulqaadka.

4-In Soomaalidu bislaatay isla markaana u bisilyihiin inay dhistaan dowlad.

5-In khilaafka Madaxda Qaranka iyo kuwa maamul Goboleedyadu ahaa mid ku xeeran keliya afka balse aanu jirin meelo fog.

6-In AMISOM qudheeda ay aamintay in Soomaalidu xiligaan ka maarantay marba haddii shaqooyinkooda lagu soo koobay ilaalinta goobaha ay degan yihiin.

7-In ciidamada Soomaalida ay daacad yihiin haddii ay helaan xuquuq iyo daryeel gaara, marba haddii ay muujiyeen dulqaad ku aadan inay dhex gam’aan howdadka iyo waddooyinka cidlada ah ee uu socdaalka kusii maraayay Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Wuxuu madaxweyne Farmaajo ku safray dhulka laga billaabo Garowe illaa Boosaaso iyadoo ay ilaalinayeen ciidammo Soomaali ah. Meelaha qaar ee uu ku safray waxaa ku yaalla buuro waxaana mararka qaar ku dhuunto mintidiinta Al-Shabaab.

Waxaana goobaha qaar ku sugnaa ciidammo Soomaali ah oo aad u hubeysan oo saaran buuraha dushooda kuwaas oo sugaya amniga muddadii uu madaxweynaha ku jiray safarka dhanka dhulka ah.

Madaxweynuhu intaa kadib wuxuu u gudbay dhanka Gaalkacyo illaa cadaado oo uu dhulka ku safray, wuxuuna u sii tallaabay magaalada Dhuusamareeb, iyadoo aanu ilaalineynin ciidamada AMISOM.

Waxaa xusid mudan in Goboladda dhexe qeybo ka mid ah waxaa ku sugan Alshabaab, iyaga oo xitaa awood u leh in ay weeraro ka geystaan meelaha aysan joogin.

Sidoo kale, Intii madaxweynaha uu ku jiray safarkiisa dhulka lama arag ciidammo shisheeye, inkastoo dadka dhalleeceeya ay ku doodayaan in ay ajaaniibta si qarsoon u ilaalinayaan madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, socdaalka Madaxweynaha waxa uu ifafaalo u noqonayaa in Somalia ay ka kaaftoonto ciidamo shisheeyo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Maxaan ka baranay socdaalka Madaxweynaha ee Gobolada Dalka (Akhriso 7 arrimood) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this