Sign in to follow this  
Deeq A.

Hogaamiye Waare oo wareegto ku magacaabay Guddoomiye cusub (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online)-Wareegto kasoo baxday Xafiiska Hogaamiyaha maamulka HirShabelle Waare ayaa waxaa xilka looga qaday Guddoomiyihii Degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan Aadan Axmed Xefow.

Wareegtada ayaa waxaa lagu magacaabay Guddoomiye cusub oo lagu magacaabo Maxamed Cismaan Cabdi (Qalaafoow).

Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa lagu eedeeyay kiisas xad gudub ah, waxa uuna sidaa ku waayay xilkiisa, kadib markii kiiskaasi uu gaaray Hogaamiyaha maamulka.

Guudoomiyaha Cusub ee degmada Baladweyne ayaa horay u soo noqday Guudoomiyaha degmada Baladweyne, waxa uuna xilkaani qabanayaa markii labaad.

Maamulka Hirshabeelle ayaa dhowr mar isbedel ku sameyay Maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baladweyne.

xil-ka-qaadis-791x1024.jpg?resize=696%2C901

The post Hogaamiye Waare oo wareegto ku magacaabay Guddoomiye cusub (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this