Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Kumaandooska Somalia oo al-Shabaab kala wareegay deegaan muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Ciidamada Kumaandooska Somalia ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta degaanka baar sanguuri oo qiyaastii magaalada kismaayo u jirta 45 km ee gobolka Jubbada hoose.

Ciidamada Kumaandooska ayaa garab ka helaayay CXD qeybtooda 43aad iyo ciidamada daraawiishta jubbaland oo ku hubeysnaa Gaadiid dagaal nooca casriga ah.

Howlgalka Al-shabaab looga xureeyay deegaanka baar-sanguuri, ayaa qaatay dhowr saac, kadib markii la sheegay in Shabaab ay halkaa ka dhisteen Saldhigyo laga qaado duulaanka ciidamada dowlada.

General Cismaaciil Saxardiid, oo ah Taliyaha ciidanka xoogga qeybta 43aad ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka Somalia iyo kuwa Kumaandooska danab ay Al-shabaab ka saareen degaanka sanguuni ee gobolka jubbada hoose.

General Cismaaciil Saxardiid ayaa sheegay in maleeshiyada al-Shabaab dagaalkaas looga dilay ilaa 7 maleyshiyaad ah iyo 4 horjooge uu ka mid yahay horjogihii Al-shabaab u qaabilsanaa degaanka.

Ciidamada xoogga dalka soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay gadiidka dagaalka oo ay lahayeen nabadiidka Al-shabaab kuwaasi oo taliye saxardiid uu ku sheegay labo gadiid oo ah kuwa dagaalka.

1-39.jpg?w=696

2-39.jpg?resize=452%2C339

3-36.jpg?resize=457%2C342

4-32.jpg?resize=453%2C301

5-28.jpg?w=696

6-19.jpg?w=696

8-12.jpg?w=696

The post Sawirro: Kumaandooska Somalia oo al-Shabaab kala wareegay deegaan muhiim ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this