Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo:Shirweynaha afraad ee dib u eegista Waxbarashada Puntland oo Galabta lagu soo geba-gabeeyay magaalada Garoowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirweynaha 4aad ee dib u eegista Waxbarashada Puntland oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiinta Waxbarashada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ayaa Galabta lagu soo geba-gabeeyay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Shirweynahan oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Garoowe ayaa diiradda lagu saaray dib u eegista waxyaabihii u qabsoomay wasaaradda Waxbarashada Puntland sannadkii tegay ee 2017 iyo qorshaha sannadkaan bilowga ah ee 2018,taasoo qeyb ka ah qorshaha guud ee Wasaarraddu dejisay 5 sano ee soo socota.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland,Maxammed cabdulqaadir Cismaan ayaa sheegay in sannadkii dhammaaday ee 2017 ay Wasaaraddu hawl ballaaran ka qabatay horumarinta waxbarashada guud ahaan degaannada Puntland,sidoo kalena sannadka cusub la dejiyay qorshe weyn oo ku aaddan sare u qaadidda tayada waxbarashada.

Halkaan ka daawo.

PUNTLAND POST

 

The post Daawo:Shirweynaha afraad ee dib u eegista Waxbarashada Puntland oo Galabta lagu soo geba-gabeeyay magaalada Garoowe. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this