Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii dhameystirka heshiiska Galmudug iyo Ahlusuna oo baaqday iyo madaxweyne Gaas oo ku wajahan Dhuuso mareeb.

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkii dhameystirka heshiiska maamulka Galmudug iyo Ahlusuna ee lagu qaban lahaa magaalada Dhuuso mareeb, ayaa maanta baaqday, xilli uu halkaasi ku sugan yahay madaxweyne Farmaajo.

Sababta uu shirkaan u baaqday ayaa lagu sheegay iyadoo aanay soo dhameystirmin wafuudii shirkaas kasoo qeyb gali lahayd iyo wakiilada beesha caalamka oo baajiyay safar ay halkaas ku tagi lahaayeen.

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isagana maanta kusii jeeda magaalada Dhuuso mareeb, kadib markii uu shalay ka baaqday safarkiisa.

Dhinaca kale, magaalada Dhuuso mareeb waxaa ka dhacay fal dil ah oo loo geystay qof shacab ah, waxaana dilkaas geystay askari katirsan ciidanka Ahlsusuna, kaasoo markii dambe la xiray.

E2I3170

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this