Sign in to follow this  
Deeq A.

Munaasabaddii dhammaystirka Heshiiskii Galmudug iyo Ahlu-sunna oo dib u dhacday.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka aan ka helayno magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in ay dib u dhacday Munaasabaddii lagu dhammaysiri lahaa Heshiiski Galmudug iyo Ahlu-sunna oo Saaka la filayey in lagu qabto magaaladaasi.

Weriye ku sugan Dhuusamareeb ayaa PUNTLAND POST u sheegay in dib u dhaca Munaasabaddu la xiriiro qaar kamid ah wufuuddi ka qeyb gali lahayd dhammaystirka Heshiiska oo aan weli soo gaarin magaalada,iyadoo isla Maanta la filayo in madaxweynahayaasha Puntland iyo Koonfur Galbeed ay halkaasi tegaan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed islaan(Axmed Madoobe)ayaa baajiyey safarkii uu ku tegi lahaa magaalada Dhuusamareeb ee lagu dhammaystirayo Heshiiska.Axmed Madoobe ayaa baaqashadiisa ku sheegay “mid shaqo”.

PUNTLAND POST

The post Munaasabaddii dhammaystirka Heshiiskii Galmudug iyo Ahlu-sunna oo dib u dhacday. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this