Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Canshuura Puntland oo lagu dhaawacay magaalada Gaalkacyo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Rag hubaysan ayaa Xalay Xaafadda Saalama ee magaalada Gaalkacyo ku dhaawacay Sarkaal ka tirsan waaxda Canshuuraha ee Dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo.

Sarkaalka la dhaawacay oo lagu magacaabo Muuse Afriix ayaa qaabilsanaa uruurinta Canshuurta laga qaado Xaafadaha magaalada Gaalkacyo,waxaana fiidnmadii Xalay lagu weeraray halka lagu magacaabo Falluuja oo ka tirsan Xaafadda Saalama ee magaalada Gaalkacyo,sida PUNTLAND POST u xaqiijiyey mas’uul ka tirsan Waaxda Canshuuraha.

Dhaawaca Sarkaalkaan ayaa haatan lagu dabiibaya Isbitaalka Maxammed Jaamac ee magaalada Gaalkacyo,iyadoo aanay jirin weli cid loo qabtay iyo cid sheegatay midna.

Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net

 

The post Sarkaal ka tirsan Waaxda Canshuura Puntland oo lagu dhaawacay magaalada Gaalkacyo. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this