Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo socdaal dhanka dhulka ah ku maraya Gobolka Galguduud+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb, 17 Jan, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa shalay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud si loo dhameystiro heshiiskii Galmudug iyo Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlu Sunnah Wal Jamaaca.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo galinkii dambe ee shalay ka soo amba-baxay magaalada Cadaado, ayaa socdaal dhanka dhulka ah ku soo maray deegaannada Goodinlabe, Mareer Gur iyo Mirrig ee ka tirsan gobolka Gal-guduud.

Madaxweynaha ayaa si heer sare ah waxaa ugu soo dhaweeyey Dhuusamareeb Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Mudane Abshir Axmed (Bukhaari), Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Carabeey, Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Galmudug iyo Hirshabeelle, Xildhibaanno heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa goob fagaare ah kula hadlay dadweynihii isu soo baxay, isagoona ku ammaanay sida wadinayadda leh ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Dhuusamareeb waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa madaxda heer Dowlad goboleed iyo heer degmo, culumada, duubabka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

1.jpg?resize=600%2C4002.jpg?resize=600%2C4003.jpg?resize=600%2C4004.jpg?resize=600%2C4005.jpg?resize=600%2C400

 

The post Madaxweyne Farmaajo oo socdaal dhanka dhulka ah ku maraya Gobolka Galguduud+Sawirro appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this