Sign in to follow this  
Deeq A.

Heshiiski Galmudug iyo Ahlu-sunna oo lagu dhammaystirayo magaalada Dhuusamareeb.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya Maxammed Cabdullahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud,ayaa maanta la filaya in uu goobjoog ka ahaado dhammaystirka Heshiiskii Galmudug iyo Ahlu-sunna.

Heshiiska oo ay garwadeen ka tahay dowladda Soomaaliya ayaa qeybihiisi hore lagu soo dhammaystiray magaalooyinka Muqdisho iyo Jabuuti,waxaana inta harsan lagu saxiixi doona magaalada Dhuusamareeb,sida qorshuhu yahay.

Mudane.Farmaajo ayaa gelinkii dambe Shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb,kadib socdaal dhinaca dhulka ah oo uu kaga yimid degmada Cadaado,waxaana sidoo kale lagu wadaa in uu booqdo degmooyinka Cabudwaaq iyo Guraceel oo ka tirsan gobolka Galgaduud,sida ay qortay Idaacadda Radio Muqdisho.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ayaa ka soo bilowday degaannada Puntland,halkasoo uu ku soo maray safar dheer oo dhinaca dhulka gobollada Nugaal,Karkaar,iyo Bari,isagoo sidoo kale booqday gobolka Mudug.

PUNTLAND POST

The post Heshiiski Galmudug iyo Ahlu-sunna oo lagu dhammaystirayo magaalada Dhuusamareeb. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this