Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubbaland oo baajiyay Safar uu ku tagi lahaa Caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa baajiyay safar uu ku tagi lahaa Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusomareeb si uu uga qayb galo Xaflada lagu soo gabagabaynayo Heshiiska Ahlusuna iyo Galmuudg.

Madaxweynaha ayaa u baajiyay safarkaas shaqooyin muhiim ah oo uu ka qabanayo Xarunta KMG ah ee Kismaayo iyo Safaro uu ku tagayo Magaalooyin kale oo Jubbaland kamid ah.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu soo dhawaynayaa dhamaystirka heshiiska ahlusuna iyo Galmudug oo uu rajaynayo in ay dhabaha u xaarto daganan Siyaasadeed iyo Hormarka Gobolka oo sii socda.

Puntlandi.com

Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this