Sign in to follow this  
Deeq A.

)DHEGAYSO) Dowladda Puntland oo sheegtay inay go’aan ka qaadanayso BBC Somali inay kasii shaqeyso gudaha Puntland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab, ayaa sheegay inay dowladdu la xisaabtamidoonto idaacada BBC Somali, oo dhowaan faafiyay qoraal gef ku ah nabad gelyada Puntland.

BBC Somali, ayaa dhowaan safarkii uu madaxweyne Farmaajo ku tagay Bosaso ku tilmaamay mid halis amni lahaa, waxayna ka qoreen warbixin ay ciwaan uga dhigeen, Farmaajo oo u bareeray qatartii amni ee ugu xooganayd, waxaa kaloo warbixinta ka jirtay been abuurashooyin kale iyo aqoon darri darro saxaafadeed oo baahsan.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay BBC Somali inay kamid tahay kuwa qalqalka ku haya Puntland iyo nabad galyadeeda, wuxuuna sheegay inay dowladdu go’aan ka qaadandoonto inay kasii shaqeyso Puntland.

“Waa wax la ogyahay inaan Puntland dhibaato ka jirin oo madaxweynihii Soomaaliyeed uu si nabad ah ku maray meel kasta lugta dhigay, waxaase nasiib darro weyn ah in BBC-du u dhaqanto sidii argigixisada, iyadoo mar walba jecel inay Puntland ka fidiso dacaayad aan jirin,” ayuu yidhi Qarjab.

Halkaan ka dhegayso codka Qarjab.

      140815_002 - My Recording

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this