Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo sheegtay in Af-hayeenkoodii hore uu ka Riddoobay ayna beegsan doonaan

Recommended Posts

Deeq A.   

1617284.jpg?resize=826%2C554Muqdisho (PP) ─ Ururka Al-shabaab oo weeraro iyo qaraxyo joogto ah ka geysta magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, ayaa sheegay Sheekh Mukhtaar Rooboow oo ahaa afhayeenkoodii hore uu hore uu ka riddoobay, uuna ku biiray dowladda Somalia, isla markaana ay beegsan doonaan si ay u dilaan.

Kooxda Al-shabaab iyo Sh. Abu-Mansur ayuu khilaaf soo dhex-galay sanadkii 2013-kii, isagoo tan iyo wixii markaas ka dambeeyay ku jiray dhul hawd ah oo ku yaalla gobolka Bakool, isagoo bishii Ogoosto ee sannadkii hore si toos ah ugu biiray Dowladda Somalia.

“Haddii Mukhtaar Roobow uu moodayo inuu burburin karo islaamka, wuxuu iska dhaadhiciyay been iyo waxaan jirin, ALLE ayaana difaaca islaamka iyo isku-xukunkiisa, tallaabada uu qaaday awgeedna uma burburayso Kooxda. Isagana wuxuu ku biiray cadowga,” ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab Sh. Cali Dheere oo soo duubay cajalad maqal ah.

Afhayeenka Al-shabaab oo sii hadlay ayaa yiri. “Shaki kuma jiro Mukhtaar Abu-Mansur wuxuu ka tagay diintiisa, wuxuuna ku biiray gaalada, taasina waxay ka dhigan tahay inuu ka mid noqday cadowgeenna.”

“Cid kasta oo ku biirta safka kuwa aan muslimiinta ahayn [Gaalada], waa mid Islaamka kasoo horjeeda, waana la dili karaa,” ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka ururka Al-shabaab.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa ku eedeeyay Sheekh Roobow dhawr qodob oo ay ka mid yihiin inuu mudo dheer doonayay inuu xiriir la sameeyo Dowladda Somalia, sidoo kalena uu dalbaday in ogolaasho la siiyo hay’ado gaalo ah si ay uga hawl-galaan deegannada ay kooxdu maamusho.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaan weli wax jawaab ah ka bixin hadalkaan ka soo yeeray Kooxda Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Kooxda Al-shabaab ayaa muddo sannado ah dagaal kula jirta Dowladda Somlaia si ay xukunka uga tuurto dowladda aan itaalka lahayn ee ay taageerto Qaramada Midoobay.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo sheegtay in Af-hayeenkoodii hore uu ka Riddoobay ayna beegsan doonaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this