Sign in to follow this  
Deeq A.

(DHEGAYSO) Wasiirka warfaafinta Puntland Qarjab,” Jabhadda SNM ee dhulkeena kusoo duushay khasaare iyo halaag ayay kula noqondoonaan Burco iyo Berbera.

Recommended Posts

Deeq A.   

Bosaso (Puntlandi) Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Bosaso ayaa sheegay jabhadda SNM inay cawaaqib xumo kala kulmidoonto duulaanka ay kusoo qaaday degmada Tukaraq ee gobolka Sool.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay dhulka Puntland in muddo 28 sano ah duulaan lagu ahaa islamarkaana wuxuu cadeeyay inaanay jirin cid guul kaga gaartay duulaankaas, waxaa uu sheegay maamulka Hargeysa hubka iyo wiilasha uu usoo diray gobolka Sool inay khasaare iyo halaag kula laabandoonaan Burco, Berbera  iyo Hargeysa.

Qarjab waxaa uu sheegay maamulka Hargeysa inay taageero weyn u fidiyaan kooxaha argigixisada ee Puntland ka dagaalama, sababtuna ay tahay inaysan Puntland ka nasan dagaalka ay kooxahaan kula jirto, balse wuxuu xasuusiyay tageero kasta oo ay siiyaan argigixsada inaysan Puntland u nuglaandoonin sida koonfurta Soomaaliya oo kale.

Halkaan ka dhegayso shirka jaraa’id ee wasiirka.

      140815_002 - My Recording

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this