Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Shabaab oo lagu dilay Sh/Hoose.

Recommended Posts

Deeq A.   

Tooratoorow (Caasimadda Online) – Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa weerar ku qaaday Saldhig Dagaalamayaasha ay ku lahaayeen deegaanka Tooratoorow ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo ku sugan gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid lagu beegsanayay Fariisin ay leeyihiin Dagaalamayaasha Al-shabaab laguna dilay Saraakiil iyo dagaalamayaal.

Idaacadda ku heshay afka Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa maanta Baahisay in Ciidamada Milatariga Soomaaliya kuwa AMISOM ay dileen Saraakiil iyo Dagaalamayaal oo lacag ka qaadayay dadka ku nool deegaanka iyo Gaadiidka Isticmaala Tooratoorow.

Idaacadda  ku hadasha afka milatariga Soomaaliya oo soo xiganeysa Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in shan ka mid ah Dagaalamayaasha Shabaab ay dileen, sidoo kale Milatariga ayaa sheegay in Labo sarkaal ay mid dileyn midna dhaawacayn.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in saraakiil ka tirsan Shabaab ay dagaalkaasi ku qabtay, waxaana dadka la qabtay ay sheegeen in uu ka mid yahay nin magaciisa ay ku sheegeen Iqri Cubeyd kaas oo heesta dhalashada wadanka suudaan

Iqri Cubeyd ayaa Dowladda waxay ku sheegtay in uu ahaa ku xigeenka madaxda qaraxyada ee Al-shabaab.

Saraakiisha Milatariga ayaa sheegay in ay soo bandhigi doonaan magacyada Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Shabaab oo dagaalkaasi lagu dilay, kuwaas oo ay sheegtay Dowladda Soomaaliya in ay ahaayeen xubno muhiim ah oo shabaab u qaabilsanaa gobalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Shabaab oo lagu dilay Sh/Hoose. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this