Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirweynihii 4-aad ee dib u eeegista waxbarashada Puntland oo Garowe ka furmay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland Eng. Cabdixakiin Camay ayaa maanta magaalada Garoowe ku daah-furay shirweynaha 3-aad ee dib u eegista waxbarashada Puntland.

Shirka ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland waxaana kasoo qayb-galay ,Wasiirka Maaliyada, Masuuliyiinta wasaaraddaha waxbarashada dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada, hay’adaha dhanka waxbarshada ka taageera Puntland iyo marti sharaf oo kale badan.

Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Maxamed Cabdulqaadir Cismaan oo ugu horayn shirka ka hadlay ayaa sheegay sannadkii tagay ee 2017 inay wasaaradda waxbarashadu guulo muhiim ah ka gaartay horumarinta tacliinta, guulahaas oo u sheegay inay kamid yihiin, dajinta qorshaha waxbarashada 2017/2021. kor uqaadida korarka waxbarashada, dib u eegista siyaadaha waxbarashada iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland  Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka wuxuuna wasaaradda Waxbarashada ku ammaanay sida ay u gudanayso waajibaadka ka saaran horumarinta iyo tayaynta waxbarashada Puntland.

Ugu danbayn , Madaxweyne ku xigeenka ayaa Qaramada Midoobay iyo xubnaha kale ee beesha calamka ku adkeeyey inay sii xoojiyaan taageerada ay Dawladda Puntland ka siiyaan tayaynta dhinaca waxbarashada, iyadoo isbeddel baaxad leh laga dareemayo waxbarashada Puntland.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this