Sign in to follow this  
Deeq A.

Warar dheeraad ah oo laga helaayo weerar culus oo ka dhacay Degmada Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar ay maleeshiyaadka al-Shabaab ku qaaden fariisin ay Ciidanka Dowladda ku leeyihiin xaafada Buula-fooliyo oo ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa inta uu socday waxaa leysu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana lasoo sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Ciidamada dowlada ayaa inta uu socday dagaalka helay gurmad suuragaliyay in maleeshiyaadka al-Shabaab dib looga saaro deegaanka.

Saraakiisha dowlada ee xaafada Buula-fooliyo ayaa sheegay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay weerarka uga dileen lix maleeshiyo, halka ay sidoo kale ka qabsadeen Hub iyo gaadiid ay isticmaalayeen.

Dhanka dowlada ayaa waxaa dagaalka looga dhaawacay Seddex Askari oo ka tirsan Ciidanka militeriga kuwaa oo xiliga weerarka ku sugnaa afafka xaafada Buula-fooliyo.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay weerareen fariisinkan Ciidamada ay ku leeyihiin xaafada Buula-fooliyo, intaasi kadib waxaa la geeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, balse dhowaan ayay ka soo ruqaansadeen, taasi oo Shabaab u sahashay in ay markale weeraraan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Warar dheeraad ah oo laga helaayo weerar culus oo ka dhacay Degmada Afgooye appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this