Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo dagaal kula wareegtay gacan ku heynta deeganka Deynuunay & Meydad tuban wadooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online)-Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday degaanka Deynuunay ee Gobolka Baay.

Deegaanka deynuunaay ayaa qiyaastii 26-KM u jira Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, waxaana la sheegayaa in weerarka uu ahaa mid ku bilowday Sabano iyo dagaal toos ah.

Maleeshiyada oo watay gaadiid dagaal ayaa deegaanka kasoo weeraray dhanka Koonfureed, iyagoo iska caabin kala kulmay Ciidamada Dowladda Federaalka Somalia, oo fariisimo ku leh labada cirif ee Deynuunay laga galo.

Ciidamada dowlada ayaa dagaal adag la galay maleeshiyaadka weerarka soo qaaday,inkastoo markii danbe ay maleeshiyada u suuragashay inay la wareegan gacan ku heynta Deynuunaay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Shabaabka ay weerarka soo qaaden markii laga baxay Salaad Subax ee saaka,waxaana la xaqiijinayaa in dagaalkaasi uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac, labada dhinac ah.

Ku dhawaad 10 askari oo labada dhinac ah ayaa la xaqiijiyay dagaalka inay ku dhinteen, waxaana sidoo kale lagu kala furtay Hub iyo gaadiid.

Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in Shabaabkii weerarka soo qaaday in ay la wareegeen gacan ku heynta degaanka Deynuunay, kadib markii Ciidanka Millitariga ay ka baxeen degaanka.

Taliyaha Ciidamada Booliska Maamulka Koonfur Galbeed General Mahad C/raxmaan Aadan, ayaa sheegay in weerarka uu jiro, wuxuuna tilmaamay in Ciidanka Dowladda ay ku sugan yihiin degaanka, oo Shabaab aysan la wareegin.

General Mahad C/raxmaan Aadan, wuxuu kaloo sheegay in uu kooban yahay khasaaraha soo gaaray Ciidamada, hadana halkaasi ay u direen Ciidamo dheeraad ah.

Dhinaca kale, goobaha uu dagaalka ka dhacay ayaa waxaa lasoo sheegayaa in ilaa iyo hadda ay tuban yihiin Meydad labada dhinac ah.

Caasimada Online

Xafiiska Baydhabo

Caasimada@live.com

The post Al-Shabaab oo dagaal kula wareegtay gacan ku heynta deeganka Deynuunay & Meydad tuban wadooyinka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this