Sign in to follow this  
Deeq A.

(SAWIRRO) Agaasimaha hay’adda socdaalka Soomaaliya oo kormeeray kastamka Tuurdibi, bogaadina ujeediyay dowladda Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasimaha guud ee Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda federalka Soomaaliya, G/sare Koofi ayaa booqdey isla markaana kormeer ku sameeyey kastamkaTuurdibi oo ka tirsan degmada galdogob ee gobolka Mudug.

Agaasimaha ayaa halkaas kula kulmey gudoomiyaha degmada Galgodob, taliyaha booliiska degmada, wasiir kuxigeenka arimaha gudaha dowladda Puntlanda iyo xildhibaano,.

Wuxuu ka dhageystey warbixino khuseeya xadka Soomaaliya iyo Ethiopia ee ku beegan degmada Galdogob. Sidoo kale agaasimaha ayaa kormeerey dhisme dhowaan laga hirgeliyey Turdibi kaas oo loogu talagaley in ay ku shaqeeyaan saraakiisha socdaalka iyo kuwa canshuuraha.

Agaasime Koofi ayaa uga mahad celiyay dowladda Puntland  sida ay isugu xilqaasey in ay Kastamka Tuuridibi ku dhameystiraan dhammaan adeegyada lagama maarmaanka u ah bar-xuduudeedka.26239125_1402477799880100_51685586501678 26731017_1402478503213363_70870899787302 26731241_1402478079880072_77461948406417 26733955_1402477073213506_12900336219072 26734265_1402478363213377_64724253608534 26815227_1402478439880036_84066741078901 26903838_1402478723213341_34412998346999

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this