Sign in to follow this  
Deeq A.

Cadaado: Madaxweyne Farmaajo Oo Xalay Xaflad Ka Hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa xalay degmada Cadaado ee caasimadda KMG ah ee maamul goboleedka Galmudug lagu qabtay xaflad lagu soo dhoweynayey madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo oo hadallo kaftan ah meesha ka jeediyay ayaa ugu horeyn u mahadceliyay dadkii soo dhoweeyay, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa “Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Xaaf madaxweyne ku xigeenkiisa golihiisa baarlamaanka golaha baarlamaanka Fadaraalka ee ila socda xildhibaannada labada aqal,  taliyaha ciidanka,  salaadiinta halkaani nala joogto,  culumo udiinka,  dhallinyarada iyo dumarka kooxda hoboladaha waabari Galmudug dhammaantiin waxaan idin ku salaamayaa salaanta Islaamka Asalaamu Caleykum Waraxmatulaahi wabarakaatuhu.

Isaga oa ka hadlayey daalka iyo howlaha ay qabteen waxaa uu ku kaftamay”Saaxiibkey Xaaf wuxuu yiri anaa meshaan ugu weyn anna madaalin anaa marqaati ka ah inuu daalay shalay mar aan wada soconay ayuu baabuurka ka dagi waayey Abshir Bukhaari oo la tartamayey waxaa uu yiri madaxweyne madaalantahay”.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this