Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo maanta Dhuusamareeb ku Wajahan

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaalo ku maraya Gal-Mudug ayaa maanta tagaya Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qaban qaabo lagu soo dhoweeynayo waxaa laga dareemayaa Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-Gaduud.

Socdaalka Madaxweynaha waxaa ku wehlinaya Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Xaaf oo markii ugu horeeysay tagaya Dhuusamareeb tan iyo Markii loo doortay Madaxweynaha Gal-Mudug.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta waxaa ka dhacaya Xaflad balaaran oo ku saabsan Dhaqan Galintii heshiiskii maamulada Ahlusunno iyo Gal-Mudug.

Amaanka Guud ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana goob waliba lagu arkaa ciidamo feejigan.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Madaxweyne Farmaajo oo maanta Dhuusamareeb ku Wajahan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this