Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka Oo Sheegaya In Diyaaradihiisa La Qal-qal Geliyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Imaaraadka ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee dowladda Qatar ay qal-qal galiyeen mid ka mid ah diyaaradaha duulimaadka rayidka oo laga leeyahay Imaaraadka.

Imaaraadka Carabta ayaa tilmaamay in diyaaraddaan la qal-qal geliyay ay u socotay dalka Baxreyn, waxayna ballan qaaday in ay qaadeyso dhammaan tallaabooyinka sharciga ah ee lagu nabad-gelinayo diyaaradaha duulimaadka rayidka.

Balse afhayeen u hadlay dowladda Qatar ayaa diiday eedeymaha loo soo jeediyey waxayna tiri “ Wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee Qatar ay weerareen diyaarad Imaaraad ah  waa war aan run aheyn”.

Arrintaani ayaa imaaneysa maalin ka dib warbixinno la sheegayay oo ku saabsanaa in xubin ka tirsan qoyska maamula Qatar lagu heystay Imaaraadka, arintaasna waa uu diiday Imaaraadka waana iska fogeeyay.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this