Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo socdaal dhanka dhulka ah ku tagay Cadaado.

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado, 15 Jan 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa gaaray magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud.

Madaxweynaha waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Cadaado boqolaal shacab ah oo isugu soo baxay fagaarayaasha magaalada iyaga oo ruxaya calanka Jamhuuryadda Federaalka Soomaalia.

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ayaa galinkii hore ee maanta waxa uu ka soo ambabaxay magaalada Gaalkacyo , iyadoona ay si weyn u soo dhaweyeen shacabka ku nool Saddex Higlo, Bandiiradley, Ceel Akhwaan, Dagaari iyo Gelinsoor kuwaas oo marin u ah jidka dheer ee isku xira Gobollada Mudug iyo Gal-guduud.

unnamed-11.jpg unnamed-12.jpg unnamed-13.jpg unnamed-14.jpg unnamed-15.jpg unnamed-16.jpg unnamed-17.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this