Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin ku saabsan Shabaab oo la wareegay Saldhig Booliiska Kenya ay ku leeyihiin Lamu.

Recommended Posts

Deeq A.   

Lamu (Caasimadda Online) – Maleeshiyaad Hubeeysan ayaa la wareegay Xarun Booliiska Kenya ay ku lahaayiin Degaan lagu Magacaabo Ishakani oo ka tirsan gobolka Lamu waxayna ka Taageen Calankooda ka hor intii aysan ka Bixin.

Ciidamadii joogay Saldhiga ay Maleshiyaad ka Hubeeysan Qabasadeen ayaa ka tagay isbuuc ka hor iyagoo ka cabsi qaba in lasoo weeraro, sida uu Qoray the Standard.

Waxaa jira Cabsi laga qabo in Al-shabaab oo Weeraro ku qaaday Ciidamadda Kenya Bishii January ee Sanadihii 2016 iyo 2017 ay isu Diyaarinayaan Weerar weeyn oo ay Damacssanyihiin in ay  Xeelad cusub kusoo Bandhigaan.

Dad ka Deegaanka ayaaa Warbaahinta u sheegay in Maleeshiyaad ku ay ay Tuuladda joogeen Muddo Saacado ah waxayna ka Tageen 8 dii Subaxnimo ee saaka.

Markii Kooxdii hubeeysneeyd ay isaga Baxeen Degaaanka waxay rakibeen Waxyaabaha Qarxa oo ay dhigeen Wadooyinka ka baxa IShakaani, mid ka mid ah Qaraxyadaasi waxaa uu qabsaday gaari ay wateen  ciidamo ka Tirsan Military-ga Kenya oo ku Dabajoogay Maleeshiyadkii Degaanka lawareegay .

Warbaahinta Kenya oo ka Warantay qaabki ay Kooxda Hubeeysan ay Degaanka u qabsadeen ayaa Qoray in Tobanaan Maleeshiyaadka ka mid ah ay Tuuladda isku hareereeyeen kuwo kalena ay Abaareen Xaruntiii Booliiska kadib ay Halkaas ka Taageen Calanka Madoow ee lagu yqaano Al-shabaab iyo Kooxaha kale ee Jihaad doonka ah .

Wargeeyska the standard ayaa sidoo kale Daabacay in Kooxda Hubeeysan oo tiro ahaan u dhexeeysay 30 ilaa 40 ay xadka Soomaaliya ka talaabeen una gudbeen tuuladda ishakani ee Gobolka Lamu

Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua ayaa Baahisay in Kooxda Tiradoodu ay ahayd ku dhawaad 100 islamarkaana ay u Qodbeeyeen Dadkii Tuuladdda oo argagaxsan.

Sidoo kale Masaajid ku yaala tuuladda ayey kooxdu ka Qodbeeyeen, sida ay Warisay Xinhua.

Masuulinyiinta Gobolka ee Kenya ayaa sheegay in la aaminsayahay in kooxda Weerarka Fulsay ay ka Tirsanhyihiin Al-shabaab hase ahaatee Al-shabaab Wali war kama soosaarin Weerarkaasi lagu qaaday Tuulada Ishakani ee Gobolka Lamu.

Dhacdadaasi waxaa ay kusoo aadeeysaa Xalay oo kale 2016 kii Markii Al-shabaab ay Weerar ku qaadeen Saldhigii Ciidamadda Kenya ay ku lahaayeen Deganka Ceel-cadde ee Gobolka Gado, Halkaas oo ay ku Dileen Ciidamo aan si Rasmi ah loo heeyn Tiradooda.

Diyaaradaha Dagaalka Kenya ayaa sidoo kale Duqaymo ka Geeystay Ceel-cadde iyo tuulooyinka ku Hareereeysan oo ay Al-shabaab ka taliyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Faahfaahin ku saabsan Shabaab oo la wareegay Saldhig Booliiska Kenya ay ku leeyihiin Lamu. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this