Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaas: “Xaaf inta uu madaxweynaha yahay guulo ayuu gaaray”

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado (Caasimadda Online) _ Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu guulo muhiim ah gaaray intii uu madaxweynaha ka yahay Maamulka Galmudug.

Gaas,waxaa uu sheegay in Xaaf uu ku guuleystay xaqiijinta heshiiskii Galmudug iyo Puntland,sidoo kalena heshiis la gaaray Ururka Ahlu Sunna taas oo uu sheegay in ay muhiim u tahay Maamulka Galmudug.

Gaas,waxaa uu rajo ka muujiyay in inta uu Xaaf,madaxweynaha ka yahay Galmudug la dhameystiro heshiisyada Puntland iyo Galmudug,islamarkaana uu guul kaga tago.

Waxaa kale oo uu sheegay in Xaaf uu yahay Nin oday ah oo degaanka xasilllooni u horseeday marka loo eego ilaalinta heshiisyada Puntland,Galmudug iyo Ahlu Sunna.

C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa carrabka ku adkeeyay in amniga Gobolka Mudug uu muhiim u yahay bulshada labada dhinac islamarkaana ay iyaga wax u tareyso nabad ka dhalata Gobolkaasi Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Gaas: “Xaaf inta uu madaxweynaha yahay guulo ayuu gaaray” appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this