Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Taabit Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho taabit Cabdi Maxamed iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, Xildhibaanno Labada aqal ee baarlamaanka Federaalka ah iyo mas’uuliyiin kale ayaa guddoomiyaha iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay Dhuusamareeb.

Shacab aad u badan oo wata sawirada Taabit iyo sidoo kale boorar ay ku qoran tahay hadallo soo dhoweyn ah oo ku socda guddoomiye Taabit.

Degmada Dhuusamareeb waxaa maalmahan dambe si aad ah looga dareemayaa mashquul badan, waxaa ku sugan mas’uuliyiin ka socota xafiisyada madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

Waxaa sidoo kale la filayaa in degmada Dhuusamareeb ay gaaraan madaxda maamul goboleedyada dalka oo la filayo iney goob joog ka ahaadaan dhammeystirka heshiiska Galmudug iyo Ahlu-sunna.

Dhanka kale, madaxweyne Farmaajo ayaa isna lagu wadaa inuu booqdo degmada Dhuusamareeb, wuxuuna safarkiisan qeyb ka yahay midka uu kusoo marayo deegaannada Galmudug.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this