Sign in to follow this  
Deeq A.

Fanaanadii caanka ahayd Khadiija Dalays oo Kanada ku geeriyootay

Recommended Posts

Deeq A.   

maxresdefault-1.jpgAllaha u naxariistee waxaa Magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyootay Fanaanadii caanka ahayd Khadiija Cabdullaahi Dalays oo ka mid aheyd fanaaniinta Soomaaliyeed iyo hoboladii Waaberi.

Fanaanada geeriyootay ayaa qaar ka mid ah eheladeeda waxa ay sheegeen muddooyinkii dambe inay xanuunsaneysay, ugu dambeyna xanuunkii u geeriyootay.

Burburkii dalka ayaa Khadiija u dhooftey dalkaasi Canada halkaas oo ay ku nooleyd kana qayb qaadan jitey guubaabada shacabka Somaliyeed oo lagu yaqaanay.

Khadiija ayaa fankeedu aad u kala duwanaa waxaase dhinaca heesaha ay ku caan ahayd heesaha wadaniga ah iyo wax soo saarka. Waxay ka dhinaca kale ka qayb qaadatey ruwaayado badan.

Allaha u naxariistee Khadiija Cabdullaahi Daleys, ayaa waxa ay aheyd qof da’ ah oo ku nool dalka Canada oo sanadihii dambe ku nooleyd.

Heesaha ay qaadeen ee sida wayn loogu xusuusto Fanaanada, waxaa ka mid ah.

Muruqiina maalo

dhulka miro ku beera

Macdanta, dahabka

Muujiya wanaagaay

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this