Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo laga xusaayo xasuuqii Ceel-Cadde & Dowlada oo weli aan ogeysiin qoysaska Askarta la xasuuqay

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Dalka Kenya ayaa waxaa maanta laga xusayaa ciidamadii dhawaan Kenya looga xasuuqay weerarkii Saldhiga Ceel Cadde.

Ciidamadan lagu laayay Ceel Cadde ayaa waxaa la weeraray xili ay ku howlanaayen nasiino waxa ayna ku beegneyd 15-kii January 2016.

Ciidamadan ayey dowlada Kenya xustaa sanadkiiba mar waxa uuna weerarkaasi noqonayaa kii ugu khasaaraha badnaa oo ku dhaca Kenya.

Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab oo kor u dhaafaya Kontan ayaa weerarka ku qaaday Saldhiga Ceel-Cadde, waxa ayna maleeshiyada Shabaab xaqiijiyeen in weerarkaasi ay ku dileen ku dhawaad 200, halka dowlada Kenya ay dafirtay in weerarka lagu dilay tirro intaa dhan.

Kenya ayaa bixisa mushaarka Askartii lagu laayay Ceel Cadde, taasi oo la siiyo qoysaskoodii sida in askartii nool yihiin, hayeeshee waalidiinta Askartaas waxa ay doonayaan in wax u kala cadaadaan.

Sidoo kale, al-shabaab ayaa weerarkii Ceel Cadde ku qabsaday Askar nool oo Kenyan ah, qaarkood ayay muuqaalo ka soo duubeen oo ay soo geliyeen baraha Internet-ka, halka qaarka kalena ay weli heystaan.

Dhinaca kale, Sanad walba xilligan oo kale Ciidamada Kenya waxaa ay galaan heegan iyo feejignaan dheeraad ah, oo ku aadan in Shabaab weeraro la mid ah kuwii horey ay fuliyaan.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com

The post Kenya oo laga xusaayo xasuuqii Ceel-Cadde & Dowlada oo weli aan ogeysiin qoysaska Askarta la xasuuqay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this