Sign in to follow this  
Deeq A.

Militeriga dowlada & kuwa AMISOM oo bilaabay qorsho cusub oo Shabaab looga eryinaayo..

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamo farabadan oo ka kala tirsan Militeriga dowlada iyo kuwa AMISOM, ay buux dhaafiyeen wadada isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho.

Ciidamadan oo wata gaadiid dagaal ayaa wada qorsho leysugu furaayo wadada isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho, waxa ayna sidoo kale howlgal kawadaan degaano iyo degmooyin dhinacyada ka saran wadadaasi.

Ciidamada is garabsanaaya ayaa Saldhigtay degaanka jameeco oo 30 KM u jirta Degmada Buurhakabada ee gobalka bay.

C/risaaq Cabdi Aadan oo ah Wasiir ku-xigeynka amniga maamulka Koofur Galbeed, ayaa sheegay in ay wadaan qorsho la isugu furayo wadada isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho oo uu sheegay inay ka dhacaan dhibaatooyin  badan.

Wasiir ku-xigeenka waxa uu tilmaamay in dhawaan ay Ciidamada ay gaari doonaan Degaanka Leego ee gobalka Shabeelaha hoose, waxaa uuna xusay in Shabaab ay ka Saari doonaan guud ahaan degaanada koofur galbeed Soomaaliya.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili inta badan deegaanada Koonfur Galbeed ay ka socdaan howlgalo ka dhan ah maleeshiyaadka al-Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Militeriga dowlada & kuwa AMISOM oo bilaabay qorsho cusub oo Shabaab looga eryinaayo.. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this