Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarado aan la garaneynin oo duqeyn dukun-daakun uga dhigay deegan lagu xasuuqay ciidamo Kenyan ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Diyaarado dagaal ayaa saqdii dhexe ee xalay duqeymo culus ka geystay Deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo, oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab.

Deegaanka Ceelcadde oo 60km u jirta Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo, ayaa waxaa ku yaala Saldhigyo waaweyn oo ay ku sugan yihiin Horjoogayaal iyo maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan al-Shabaab.

Diyaaradaha duqeynta geystay oo la sheegay inay yihiin laba Diyaaradood ayaan si rasmi ahi loo ogeyn halka laga leeyahay, waxa ayna duqeyntu dhacday laba sano ka dib markii ciidamo ka tirsan Kenya lagu laayay Saldhiga Ceel-Cadde.

Dadka deegaanka oo ka hadlaayay dareenkooda ayaa sheegay inay ka warheleen Jug culus oo is xigxigta, iyadoo wixii intaa ka danbeysay uu isbedelay jawiga.

Waxaan la ogeyn ujeedka laga lahaa duqeynta aan khasaaraha geysan, inkastoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in duqeynta ay fuliyeen diyaaradaha Kenya.

Si dhaba looma oga haddii ay jiraan khasaarooyin la qarinaayo oo ka dhashay duqeynta iyo inaanu jirin waxyeelo oo idil.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com

The post Diyaarado aan la garaneynin oo duqeyn dukun-daakun uga dhigay deegan lagu xasuuqay ciidamo Kenyan ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this