Sign in to follow this  
Deeq A.

Wadadda isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo xirantay & Alshabaab oo Tuulooyin ka qabsaday degmada Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimadda Online) _ Wadadda isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ayaa xirantay, kadib markii maleeshiyada Alshabaab ay dagaal kula wareegeen degaano ka degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe.

Weerar ay Alshabaab ku qaadeen saldhigga Ceelka Geelow ee ciidamada dowladda ayaa keenay inay la wareegaan saldhigaas iyadoo lagu dilay laba askari, laguna waayay lix kale, wuxuuna ahaa weerarkii labaad ee Alshabaab ku qaado saldhiggasi muddo laba toddobaad gudahood ah.

Al-Shabaab ayaa la wareegay tuulooyinka u dhaxeeya Balcad iyo Jowhar sida Gololey, Isgoys iyo Ceelka Geelow, waxaana la sheegay inay dadkii halkaasi deganaa ay bilaabeen barakac iyagoo ka cabsi qaba Alshabaab iyo dagaal dhex mara labada dhinac.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xaalada ku soo korortay wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad ay tahay mid halis ah oo keeni karta in Shabaabka ay isku ballaariyaan deegaanadaas.

Xaalada ammaan darro ee ku soo korortay inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad ayaa sababtay inuu hakado dhaq dhaqaaqii gaadiidka ee isaga kala gooshaya wadadaas, gaar ahaan gaadiidkii ciidamada iyo kuwii mas’uuliyiinta ay saarnaayeen, waxaana xilligan halka u furan ay noqotay cirka oo Mas’uuliyiinta iyo Xildhibaanada Hirshabeelle ay diyaarad kaliya ku tagi karaan Jowhar.

Waxaa gebi ahaan saaka istaagay isu socodkii gaadiidka dadweynaha ee magaalooyinka Jowhar iyo Balcad, waxaana hore jidkaasi ka go’ay mas’uuliyiinta Hishabeelle iyo kuwa dowladda Soomaaliya, waxayna Jowhar hadda noqoneysaa magaalo go’doon ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Wadadda isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo xirantay & Alshabaab oo Tuulooyin ka qabsaday degmada Balcad appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this