Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo,” Isku-tashiga Puntland u horseeday inay gaaraan horumar waxaan sameyndoonaa Soomaaliya inteeda kale.

Recommended Posts

Deeq A.   

 

1P2A1630.jpgGaalkacyo (Puntlandi) Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta soo gabagabeeyay socdaalkii uu ku joogay Puntland, waxaana uu sheegay inay wax badan ka barandoonaan nabad gelyada iyo horumarka baaxada leh ee ka socda Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amamanay reer Puntland iyo dowladdooda inay meesha ka saareen kala shaki ayna ka si dhab ah uga faa’idaysteen barnaamijka iskutashiga, kaasoo lagu dhisay, Jidad, isbitaalo, xarumo waxbarashado, isbitaalo garoomo diyaaraddeed iyo kaabayaal kale.

Waxa uu madaxweynuhu sheegay isku tashiga Puntland ka dhaqan galay nay iyaguna gaarsiiyaan Soomaaliya inteeda kale, si ay dadka u ogaadaan inuu horumarku gacantoodu ku jiro islamarkaana aanay dowlad iyo ajnabi wax lagasoo qaaday dalku ku dhismi karin, kuna horumari karin.

“Reer Puntland nabada iyagaa gacantooda ku sameystay, waana dad isku qanacsan, dowladdoodana ku qanacsan, waxaan rajeynayaa inay sii xoojistaan nabadooda u horseeday horumarka,” ayuu yidhi madaxweyne Farmaajo.

Puntlanid.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this