Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Cabaas: Israel Waxay Ku Tumatay Heshiiskii Oslo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa sheegay in Israel ay ku tumatay heshiiskii Oslo oo ay la gashay Falastiin,waxaa uu ku tilmaamay qorshaha madaxweyne Trump ee nabad-galyada bariga dhexe  inay tahay dharbaaxo waqtiyeed.

Madaxweyne Cabas ayaa ku celiyey in madaxda Mareykanka ay diidanyihiin inay dhexdhexaad ka noqdaan geedi socodka bariga dhexe.

Madaxweyne Cabas ayaa hoosta ka xariiqay inay jiraan in loo soo jeediyey inay qaataan magaalada Abu Diis ayna u noqoto caasimadda Falastiin badalka Qudus.

Cabas ayaa tilmaamay in madaxweynaha mareykanka Donald Trump uu u sheegay inaysan aqbaleynin mashruuciisa Qudusna ay tahay caasimadda Falastiin.

Ugu dambeyn madaxweyne Cabaas ayaa diiday in Mareykanka uu dhexdhexaad ka noqdo arrimaha Falastiin iyo Israel.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this