Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari Ka Tirsan Ciidanka Dowladda Oo Lagu Dilay B/weyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Rag ku hubeysan bistoolado ayaa habeenkii xalay ahaa waxay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dileen askari ka tirsan Milatariga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Askarigan ayaa lagu dilay xaafadda Xaawo Taako ee B/weyne, waxaana goobta ka baxsaday raggii dilkaasi ka dambeeyay.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in dilka kadib ay goobta soo gaareen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo sameeyay howlgal aan natiijadiisa la shaacin.

Sidoo kale, saakay oo Isniin ah waxaa lagu soo waramayaa in ciidamada dowladda Federaalka ay howlgallo ka wadaan xaafado ka tirsan magaalada B/weyne.

Magaalada B/weyne waxaa kusoo badanaya dilalka qorsheysan, iyadoo habeen kahor sidan oo kale magaaladaasi loogu diley askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this