Deeq A. Posted January 15, 2018 Rag ku hubeysan bistoolado ayaa habeenkii xalay ahaa waxay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dileen askari ka tirsan Milatariga dowladda Federaalka Soomaaliya. Askarigan ayaa lagu dilay xaafadda Xaawo Taako ee B/weyne, waxaana goobta ka baxsaday raggii dilkaasi ka dambeeyay. Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in dilka kadib ay goobta soo gaareen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo sameeyay howlgal aan natiijadiisa la shaacin. Sidoo kale, saakay oo Isniin ah waxaa lagu soo waramayaa in ciidamada dowladda Federaalka ay howlgallo ka wadaan xaafado ka tirsan magaalada B/weyne. Magaalada B/weyne waxaa kusoo badanaya dilalka qorsheysan, iyadoo habeen kahor sidan oo kale magaaladaasi loogu diley askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source Share this post Link to post Share on other sites