Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo Xariga ka Jaraya Dekada Hobyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadda ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa in uu Xariga Ka Jaro Dekada Hobyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safar dhanka dhulka ah ku tagi doono Magaalada Hobyo si uu dekada Hobyo Xariga uga Jaro islamarkaasina si rasmi ah u shaqo biloowdo.

Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Geelle Ducaale Xaaf ayaa sheegay in uu mar uun uu ku haminayay in Madaxweynaha uu Xariga ka jiro Dekada Hobto isaga oo sheegay in Madaxweynaha uu geeyn doono Hobyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sii wadan doono socdaalkiisa uu ugu magac daray socdaalkii Nabada uu ku marayo qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Maanta oo isniin ah ayaana lagu wadaa in Madaxweyne Farmaajo uu Safar ugu Amba baxo Magaalada Cadaado.

La soco Puntland Post oo hel Wararka Safarka Madaxweynaha.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Madaxweyne Farmaajo oo Xariga ka Jaraya Dekada Hobyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this