Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo xarun caafimaad ka dhagax dhigtay degmada Towfiiq ee gobolka Mudug.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka Puntland Sayid-Omer Aden Guled, ayaa Dagmada Towfiiq ee gobolka Mudug ka dhagax dhigay xarun caafimaad (MCH). Dadka Degaanka oo hamuum Qabay xaruntaan ayaa aad usoo Dhaweeyay iyagoona Dowladda Puntland uga mahad Caliyay.

Wasiirka inta Uu Ku Suganaa Dagmada Towfiiq waxa uu ukuurgalay Deegaanada Ku Teedsan isagoona Xog ka soo aruuriyay Baahiyaha Dadka Degaanka. Odayaasha iyo maamulka Dagmada ayuu kala Hadlay arimo ay ka mid Yihiin Amniga iyo midnimada waxa uuna kula dar daarmay inay xoojiyaan arintaas.

Sidoo kale wasiir sayid waxa ay dadka Degaanka usoo Gudbiyeen inay Helaan arimaha hormarinta oo ay kamid yihiin Cafimaadka Biyaha iyo waxbarshada kuwaaasoo Dowlada Puntland ay Qorshayaal ay dajisay lagu hormarinayo Dagmooyinka laamiga ka baxsan.

Wasiir udowlaha Cafimaadka Puntland waxaa kaloo uu kormeer Ku sameeyay kooxo arimo Caafimaad Dagaanada Towfiiq ka fulinaya waxaana kamida talaalka oo si habsami leh uga socda Degaanadaas. Wasiirka waxa uu mahad Celiyay kooxahaan oo bulshada arimo Muhiim ah uhaya.

Wasaaradda Caafiaamdka Puntland ayaa da daal Xoog leh ugu jira Hormarinta Cafimaadka Puntland.

26794054_2091692481058948_1979470539_n.j 26794130_2091693711058825_488157531_n.jp 26855577_2091692534392276_428100933_n.jp 26856865_2091692241058972_1582182845_n.j 26914177_2091694537725409_230893690_n.jp 26942908_2091693024392227_2025465439_n.j 26793527_2091694751058721_2139906687_n.j 26793608_2091694284392101_663150137_n.jp

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this