Sign in to follow this  
Deeq A.

Olole lagu taageerayo ciidanka Puntland oo ka bilowday Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa ka bilowday magaalada Garowe olole isugu jira raashin dubis iyo hilib shiilid oo qeyb ka ah taakuleynta iyo taageerada shacabku siinayaan ciidamada Puntland gaar ahaan kuwa ku qulqulaya maalmihii lasoo dhaafey Deegaanka Tuko raq ee Gobolka Sool ka dib markii todobaadkii horre duulaan ay ku qabsadeen ciidamo ka amar qaadanaya maamulka Somaliland.

Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa booqatey qaar ka mid ah xaafadaha magaalada oo kooxo dhalinyaro ah ay ku diyaarinayaan cuntooyin fudud oo loogu talo galay in ciidanka loogu geeyo goobaha ay ku sugan yihiin.

Abdirasaaq Axmed (Wadani) oo ka mid ah dhalinyaradda ku hawlan ayaa sheegay inuu jawaab u yahay barnaamijkoodu baaqyo shacabka ay usoo direen Madaxweynha Puntland iyo Gudoomiyaha Gobolka Nugaal.

Ma ahan markii ugu horeysay oo barnaamijkan oo kale laga sameeyo magaalada Garowe, waxaana lagu xasuusta taageeradii shacabku ay la garab istaageen ciidanka dagaaladdii kal hore Puntland iyo Alshabab ku dhexmarey Suuj,Garmaal iyo Garacad.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Olole lagu taageerayo ciidanka Puntland oo ka bilowday Garowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this